Faaidooyinka caafimaad ee sanjabiisha
Sanjabiishu waxay inoo leedahay faaidooyin caafimaad oo badan waxa laga yaabaa inaan isticmaalno aniga oo aan ka war qabin,inta badan soomalidu way isticmaalaan, inaga oo u isticmaalayna inaynu shaaxa ku darsano.Sanjabiisha waxa loo isticmaalaa sideeda iyada oo aad ku darsanayso biyo qandhac ah anba biyo aan qandhac ahayn labada waad u isticmaali kartaa
faaidooyinka sanjabiisha
1; Sanjabiishu waxay leedahay awood ay kula dagaalanto viruska bekteriyada iyo jeermisyada jidhka soo gala. sanjabiishu waxay aad waxtar ugu leedahay lalabada qofka markuu uu qalinka ka soo baxo anba xiliga ay hooyodu uurka leedahay sadexda bilood ee ugu horaysa uurka aad ayay waxtar ugu leedahay inay lalabada ka baabiiso.
2;Sanjabiishu waxay kale oo ay ka hortagtaa matagta hadii uu qofka qaato 1g oo sanjabiil ah marka uu dareemo mantagta gaar ahaan hooyada waxa fiican inay dhakhtar la tashato waaya waxa ku siiyadaha ilmo loo baahanyahay in caafimaadkiisa laga hortago.sanjabiisha waxa ku jirta maado ka hortagaysa lalabada iyo matagta ,waxa muhiim ah hooyooyinka uurka leh inay ku dadaalaan inay isticmaalaan lakiin garaamka loogu talo galay inay ka qataan.
3;Isku laaq sanjabiil ah iyo qaado malab ah waxaad uga bogsanaysaa qufaca iyo hargabka.
4;Sanjabiisha waxa loo isticmalaa madax xanuunka.
5;Dumarka marka ugu horaysa xiliga caadada haday isticmaaalaan sanjabiil waxay ka baabinaysaa xanuunkii ay kanaysay caadada waayo marka caadada qofka dumarka ay ku dhacayso waxa jira xanuun qabanaya oo ka qabanaya qaybta hoose ee caloosha marka xanuunka waad ugu maarmaysa inaad isticmaasho xanuun baabiye, waxaanad u isticmaali kartaa inaad ku darsato adigoo isticmaalaya shaax qandhac waxaana si dagdag ah kaaga biinaysa xanuunkii aad dareemaysay halkii aad ka doonan lahayd improfiin marka waxaan kugu la talin lahaa inaad isticmaasho sanjabiisha.
6;Sida oo kale waxay ay yaraysaa macaanka sida dadka qaba xanuunka sonkorta waxayna kaa yaraynaysa heerka ay sonkortaadu joogta waxaana muhiim qofka qaba xanuunka sonkorta inuu soo qaato biyo qandhac ah kadibna uu cabo, saacad kadib hadii aad sonkortaada cabirtid waxaad ogaanaysaa inay hoos u dhacday
7;Waxay ka hor tagtaa in uu xinjiroobo dhiigu.
8;Qofka kalastaroolka qaba waxa muhiim ah inuu isticmaalo malinkii 3g oo sanjabiil ah
9;Hadii aad kala goosyada ka dareemayso waad isticmaali kartaa sanjabiisha.
Faaiidooyinka sanjabiisha ma soo koobi karno siyaabo kale badan oo loo isticmaalana way jirtaa
No Comments